Jen. Caanood : Qaar ka mid ah Masuuliyiinta SH. hoose Shabaab ayey la shaqeeyaan

Wararka Maanta

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal C/laahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu si kulul uga hadlay warar maalmahan soo baxay oo masuuliyiin Gobolka Sh/hoose ay sheegeen taasi oo ah in ciidamada Xoogga dalka isbaarooyin cusub ay dhigteen Gobolka Shabellaha hoose.

Jeneraal Caanood, ayaa sheegay masuuliyiinta Gobolka Shabellaha hoose ee hadaladaasi Warbaahinta ka sheegay inay la shaqeeyaan Ururka Al Shabaab, isaga oo intaasi hadalkiisa ku daray banaanbaxyadii ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye inay soo abaabuleen xubno ka tirsan Maamulka Gobolka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya Jeneraal C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay inay jiraan xubno u adeegaya Shabaab oo fulinaya danaha Shabaabka iyaga oo neceb ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

“Maamulka degaanka, Ciidanka idiin yimid waa xoogga dalka Somaliyed, haddii uu idiin yimaado isbaaro ayaa bilaabaneysa ayaa la idin ku dhahay, markii halkaan miinooyinka Shabaab ku aasayeen kama aydaan hadleyn, ciidanka markii ay yimaaden maxaad la qaylinaysaan, waxaan dhihi karnaa shaqsiyaadka isa soo abaabulay waa dad ay wax ku soo shubteen Al Shabaab oo ay dhaheen noo banaanbaxa, marnaba ma ogaalaneyno Shabaab inay dad laayaan oo ciidanka ay dhibaateeyaan.” Ayuu yiri Jeneraal Caanood.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa digniin wuxuu u diray Maamulka Gobolka Shabellaha hoose iyo masuuliyiinta Degmooyinka inay u arkaan inay la shaqeeyaan Ururka Al Shabaab.

Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa maalmo ka hor waxa ay Warbaahinta ka sheegeen in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay soo dhigteen isbaarooyin cusub oo shacabka lagu dhibaateynaayo.