Senator Abshir Bukhaari oo booqday Dugsiga Maandeeq (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) Gudoomiye ku xigeenka  1aaad aqalka sare barlamaanka Soomaaliya ayaa saaka booqday Dugsiga Waxbarashada Maandeeq magaalada Cadaado.

Senatorka ayaa Dugsigan 2 sano ka hor ka hirgaliyey magaalada Cadaado, waxayna ka mid aheyd balanqaadkii doorashadiisa inuu wax u qabto dadka deegaanka. Dugsiga Maandeeq ayaa waxaa dhigtay caruurta ku nool xerooyinka Barakaca, gaar ahaan xerada Barakaca Badbaado.

Dugsigan ayaa ardaydu lacag la’aan wax ku bartaan, waxaana mushaarka Macalimiinta iyo shaqaalaha bixiya Senator Abshir Bukhaari. ilaa 250 arday ayaa dhigta dugsigan oo 145 ka mid ah ay yihiin gabdho.

Senatorka ayaa sidoo kale galabta Magaalada Cadaado ka daahfuri doona Maktabadda Cadaado ( Adado Public Library) oo ay ka faa’iideysan doonaan ardayda iyo aqoonyahan deegaanka.