Sawirro: Ra’iisulwasaare Kheyre oo xariga ka jaray Wadada Dr. Kadare

Arimaha Bulshada Hormarka Dalka Wararka Maanta

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Xariga ka jaray waddo laami ah oo maamulka gobolka Banaadir uu dib u dayactir ku sameeyey, taasoo loogu magac daray Dr. Xuseen Sheekh Axmad (Kadare) oo ka mid ahaa aqoonyahanada udub dhexaadka u ahaa dhaqanka iyo afka Soomaaliga.

Waddadan laamiga ah ayaa dhexmarta degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis waana wado muhim u ah isku socodka bulshada labada degmo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay munaasabada xarig jarka wadadan ayaa xusay in kharashka lagu dhisay wadadan ay iska soo uruuriyeen maamulka gobolka iyo ganacsatada gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee gartay inay jeebkooda ka dhisaan qeybo ka mid ah dalka, ayna tahay wax lagu faano in dadka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay dib u dhistaan goobihii ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

3-6 5-6 6-3 7-3 8-2 9-2 10-2 11-4-640x427 20