Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa saaka aroortii dagaal ka bilowday xaafada Garsoor ee galbeedka Magaalada Galkacyo, waxaana dagaalkan u dhaxeeyaa ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii maamulka Puntland bilaabaan dhismaha garaash lagu xareeyo xoolaha kala rogga, taas oo ay ka biyo diideen maamulka Galmudug, waxaana dagaalku saaka ku bilow raas fudud, inkastoo barqanimadii oo dib u cuslaaday.

Khasaaraha dagaalka inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay laba ruux iyo dhaawaca ku dhawaad toban kale oo labada dhinac ah.

Maamulka puntland ayaa saacidihii u dambeeyey waqooyiga Galkacyo geeyey ciidamo farabadan, waxaana jirtay bishii hore ciidamo maraykan ah duqeeyeen askar ka tirsan ciidanka Galmudug iyagoo maraykanka ay hagayeen ciidanka maamulka puntland.

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan

16 thoughts on “Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Galkacyo

Comments are closed.