Habka ugu wanaagsan ee lagu yarayn karo walwalka Imtixaanadka.

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta WAXBARASHADA

maxresdefault

Habka ugu wanaagsan ee lagu yarayn karo walwalka Imtixaanadka

Waa marwalba iska dhaca inta badan in marka Imtixaan lagaaro u yimaado walwal ku yimaada ardayga arrinkaas oo sababi kara in u diyaar garowga Imtixaanka uu hoos u dhaco. Waxyaabaha walwalkaan keena waxaa ugu horeeya ama ugu wayn liidashada hab waxbarasheedka ardayga ee marka daraasaddu socoto. Haddaba waxaan qorma kooban ka samayn doona sida ugu fudud ee looga hortagi karo walwalkaas.

  •   Naftaad aamin: kalsoonida naftaada waa furaha koowaad ee wax walba ku gaarsiin kara o haddi aad hanota ay waxlba kuu hagaagayaan ugu danbayn, haddi ay kaa luntana aysan cidkale kusiinkarin. Haddi aad cidkale ka sugayso inaad kahesho caawinaad dhanka Imtixaanka ah waligaa ka bixi maysid walwal Imtixaaneedka hadaad mar sidaas ku gudubto mararka danbe dhib ayay kugu noqon doontaa.
  • Ha isku dayin inaad maada walba inta lagu saxaayo keento: waa arrin inta badan ay sameeyaan dadka dhifka ah, laakin haddi aad ku qanci waydo wax kayar inta lagu saxayo maada walba waxaad abuuranaysaa buuro walwal ah oo cidina aysan kaa saari karayn. Wax walba fudayd kadhig kuna qanac haddi aad lumiso shan darajo iyo waxii lamid ah.
  • Dhibka aad lakulanto markaaba xalli:  haddi ay dhacdo inaad fahmi wayso maadoyinka qaar cashara kamid ah raadi caawinaad sida inaad gooni ula kulanto macalinka maadadaas dhigaya ama inaad arday kale o fahamsan aad caawinaad waydiisato si aad u fahmto waxa kaa maqan. Tani waxay kaa yarayn karayntaa dhibka aad kala kulmi lahayd marka aad murajacada samaynayso waayo waa dhib waxaadan fahamsanayn inaad muraajacayso.
  •  Samayso saaxib wanaagsan oo aad wax isla fiirfiirisaan: waxaa wanaagsan inaad leedahay saaxiibo wanaagsan oo ardayda kamid ah oo wax isla daraasaysaan mararka qaar si aad iskula turxaan bixisaan waxyaabaha mugdigu kujiro. Tani waxa ay sara u qaadaysaa fahamkaga ku saabsan maadada aad ku samaysaan dib u eegida waxayna ku soo laabanaysaa maskaxdaada marwalba.
  • Qorshayso waqti kugu filan ee wax aqriska: qorsha fiican u samayso wax aqrinta sida inaad maalin walba samayso  50 daqiiqo o wax aqrish ah kaddibna aad break yar qaadatao hadana aad 50 daqiiqo o kale aad samayso. Arrinkan waxa uu ku gaarssin doona in marka Imtixaan lagaaro aadan waxba ka walwalin. Break qaadashadu waxay yaraynaysaa inaadan caajisin maskaxduna ay nasiina yar hesho o ay dib ugu karaar qaadato. Jadwal u yeel wax aqriskaaga haba yaraade o ku dhaqan waqtiga meesha ku qoran waa tusaale.
  • Yaree maqnaashahaaga xilliga daraasadda: waxa aad iska ilaalisaa inaad ka maqnaato xiisad kamid ah daraasadda haba ahaato xataa mid sports ah waayo waxa macalinku sheegay cidkale o ku celin kartaa waa yartahay. Sidoo kale iska ilaali soo daaha o asna ah caqabad kale oo dhib kugu keeni karta.
  • Samayso waqti gaar ah oo aad saaxibada la baashaasho: mar walba hadulfadhin book un waa inaaad saaxibadaa banaanka u raacda banooni la soo cayaarta ama sheeko la soo yeelaato. Arrinkaa waxa u kuu samaynaa inaad isku dheeli tirto hab nololeedkaaga waxa uuna siguud kaaga nafisinayaa culaysyada nolosha ee kugu imaan kara waana inaad leedahay saaxiibo aad isku hadaf tihiin oo aad waqtiyada wanaagsan isla qaadataan.

Waxii kale ee aad isleedahay waxay kaa yarayn karaan walwalka Imtixaanadka waad ku darsan kartaa ogowna waxaad taqaanid ayaad qaldi kartaa e ha isku dhibin inaad ka fakarto maado aad gashay wax aad ka soo qaladay ee xooga saar marwalba mida soosocot.

Nasiib Wacan dhamman ardayda heerarka kala duwan kujirta ee Imtixaanadka  sugaya marwalba.

W/Qorey: Ahmed Wehliye

Cadaado-Soomaaliya