Juxa”Waxaa jira Koox Madaxa oo hadaad ka Fakar duwanaato ku dhahaya waa Qaran Dumis

Wararka Maanta

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayay, ayaa sheegay Soomaaliya siyaasad ahaan meel fog laga yimid, isla markaana loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho.

Mr Juxa ayaa sheegay in dalka uu dhaqaale ahaan uu sabool yahay, isla markaana kalsoonida shacabka ay kala daadsan tahay, isagoo tilmaamay inay jirto kalsooni xumi siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka wax ka qaban karin, isla markaana loo baahan yahay in dood caafimaad oo dhab ah laga yeesho xaaladaha jira, iyadoo aan la eegin dan shaqsiyeed ama dan kooxeed, balse si Soomaalinimo loo baahan yahay in loo gaaro xalka.

“Intii Burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama qaran dumis”ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.

4-tii bishan ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Faarax Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, waxaana hadal kooban uu bartiisa uu ku qoray markii xilka laga qaaday ku sheegay inuu ka maqlay idaacadaha.

Dhageyso Khudbaddii Juxa ka jeediyay munaasabaddii uu xilka ku wareejinayay:-