Barlamaanka Somaliland oo ansixiyey Saldhig ciidanka Imaaraatka ee Berbera

Wararka Maanta

Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Labada Aqal ee baarlamaanka Somaliland ayaa lagu meelmariyay heshiis saldhig ciidan loogu ogolaanayo dalka Imaaraadka Carabta inuu ka sameyso magaalada Berbera.

Kulankan wadajir ah ee Labada Gole ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo u ol’oleynayay in heshiiskan la meelmariyo.

Xildhibaannada kulankan ka soo qeybgalay ayaa gaaraya illaa 151 xubnood, cod heshiiskan la geliyaya ayaa waxaa ogolaatay in heshiiska la meelmariyo 144 xildhibaan, halka uu diiday Hal xildhibaan, waxaana ka aamusay 5 xildhibaan.

Heshiisyada noocan oo kale ah waxaa sharci ahaan ka dooda oo ogolaada ama diida golaha Wakiillada(Aqalka Hoose) oo kaliya, sida ku cad qodobkaka 53aad farqadda 3aad.

Si kastaba, heshiiskan ayaa waxaa aad uga soo horjeestay in badan oo aqoonyahanka Somaliland ah oo ku tilmaamay mid aaney dani ugu jirin Somaliland, halka mudaharaadyo ay hadda ka socdaan magaalada Berbera oo lagu diidan yahay heshiiska saldhigga Milatari ee dalka Imaaraatka.

Xigasho: Goobjoog