Ciidamada Somaliland oo qabsaday Tukaraq oo 90Km u jirta Garowe

Wararka Maanta

Ciidmaada Somaliland ayaa saaka aroortii qabsadey Tuulada Tukaraq oo 90 KM u jirta magaalada Garoowe. Tuulada Tukaraq oo hoos timaada degmada Boocame ayaa waxay aheyd meel ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Qabsashadaan ayaa imaaneysa xilli magalada Garoowe ku sugan yahay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  iyadoo warar xalay siyaasiyiinta iyo odayasha Gobolada Sool, Cayn iyo Sanaag ka codsadeen  Madaxweyne Farmaajo In uu booqdo Tukaraq iyo degaamo ku dhow.

Qabsashada Turkaraq ayaa qatar ku ah amniga Garoowe, xilli Puntland ku mashquulsan tahay sigidda amniga Madaxweynaha iyo wafdiga la socda.  Halkaan kala soco.. Ceelhuur.com