Taliyaha Xooga Dalka Oo ka hadlay halka uu marayo Heshiishkii Gaalkacyo

Wararka Maanta

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka soconaya kulamo u dhexeeya wafdi uu hogaaminayao Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo shalay gaaray halkaasi iyo madaxda Gobolka Mudug.

Kulamadani ayaa looga wada arrinsanayaa sidii loo xoojin lahaa heshiiskii nabadeed oo dhexmaray Puntland iyo Galmudug oo taliyaha ciidanka Xoogga Dalka rajo wanaagsan ka muujiyaya.

C/weli Jaamaxa Xuseen(Gorod) taliyaha ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in warbixinta ugu horeysay oo ay heleen ay tahay in meel fiican uu marayo dhameystirka iyo xoojinta heshiiskii nabadeed oo dhawaan laga gaaray colaadihii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

“Waxaa meel gebo gebo ah maraya dhameystirka heshiiskii nabadeed oo ay gaareen Puntland iyo Galmudug,shacabka labada dhinacana waxay u bisilyihiin nabadda iyo wadanoolaanshaha ujeedka aan u nimad halkan waxay tahay sidii arrimahaasi nabadda iyo heshiiskaasi loo xoojin lahaa”, ayuu yiri Taliye Gorod.

Wafdiga uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo jooga Gaalkacyo waxaa kamid ah Guddoomiyaha Maxkamda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow iyo saraakiil kale,iyadoo sidoo kale qorshuhu uu yahay dib u habayn lagu sameeyo xafiiska maxakamadda ciidanka Qalabka sida qeybta Puntland.

Heshiiska nabadeed iyo dadaaladii dib loogu furay waddooyinka Gaalkacyo oo ku xirmay dagaaladii horey halkaasi uga dhacay waxaa gogoshaasi fidiyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod oo 15-kii December 2017 booqasho ku tagay Gaalkacyo.