Sawirro: Dayactir ka socda Madaxtooyada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dayactir xooggan ayaa ka socda xarunta Madaxtooyada Galmudug Cadaado, dayactirkaan ayaa qeyb ka ah diyaar garowga loogu jiro caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Caleemasaarka Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey in 22 bishaan ay ka dhacdo magaalada Cadaado xarunta Galmudug.

3 bishaan ayaa Cadaado lagu doortay Madaxweyne Axmed Xaaf, waxa uuna dhameystirayaa laba sano oo ka dhimaneyd xil heynta Madaxweynihii hore Cabdikariin Guuleed.

Wufuud kala duwan ayaa la filayaa inay kasoo qeyb galaan caleemasaarka oo abaabulkiisa laga dareemayo magaalada Cadaado.

received_1236996509731202 received_1236996599731193 received_1236996373064549 received_1236996359731217 received_1236996696397850 received_1236996389731214