Madaxweyne Farmaajo Oo Shir-Gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Puntland(Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ayaa qudbad ka jeediyay kulan ay lahaayeen Golaha Wasiirada Puntland kadib markii uu shalay gaaray magaalada Garowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa loogaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen maxkamadaha iyo dhamaan Hay’adaha Cadaalada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira ay u wada shaqeyn lahaayeen..

Sidoo kale waxaa looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmaha uu ku sugan yahay deegaanada Maamulka Puntland waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda Puntland iyo waxgaradka iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Hoos ka Daawo Sawirrada