Akhriso sababta wasiirka Maaliyadda Galmudug isku casilay.

Wasiirkii Maaliyadda Dowlada goboleedka Galmudug Mudane Cali Siciid Cumar ayaa maanta iska casilay xilkii wasaaradda maaliyadda Galmudug, Cali ayaa warqadda iscasilaaddiisa soo dhigay bartiisa facebookga, waxa uuna ku sababeeyey arimo gaar u ah isaga. Waa wasiirkii labaad iska casila xukuumadda Galmudug, waxaa 24 April 2016 iska casilay xilkii wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Mudane Maxamed […]

Continue Reading

Faafaahin: Wariye C/casiis Afrika oo lagu dhaawacay Muqdisho

Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Warbaahinta dowladda ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Milateriga. Dhaawaca Wariye Afrika ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana dhaawiciisa uu yahay mid fudud, isla markaana ay rasaasta kaga dhacday lugta midig. Wararka […]

Continue Reading

Soomaaliya oo qaaday xayiraadda Diyaaradihii Qaadkii ka keeni jiray Dalka Kenya

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa maanta magaalada Muqdisho ku  yeeshay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Ganacsiga labada dal. Kulankan ayaa markii uu soo gaba gaboobay ayaa waxay Labada Madaxweyne qabteen shir jaraa’id, waxaana isku afgareen in la qaado xayiraadii KMG aheyd ee la saaray Qaadka laga […]

Continue Reading

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo goor dhow furmay (Sawirro)

Madaxweynaha soomaaliya xasan shiikh maxamuud ayaa goordhow sirasmiya ufuray shirmadaxeedka urur goboleedka iGAD ee lagu qabanayo magaalada muqdisho shirkani ayaa waxaa kaqeyb galaya wadamo badan oo ay kamid yihiin dalalka itoobiya,kinya,Djabuuti suudaan,south suudaan. shirkani ayaa hada sitoosa u ga socda xarunta shirku ka qabsoomayo waxaana socda qudbadaha madaxda Waxaa goor dhow ka furmay Hotelka Peace […]

Continue Reading

SAWIRO;Madaxweynaha uganda oo soogaaray magaalada muqdisho

Madaxweynaha Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni ayaa goor dhow ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Somalia. Waxaa loo sii gudbiyey hoolka uu ka dhacayo shirka IGAD oo ku dhow garoonka Aadan cadde. Madaxweyayaasha IGAD […]

Continue Reading

Diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti oo cilad soo wajahday darteed u soo degi weysay

Diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay in cilad soo wajahday darteed ay dib u laabatay. Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee SONNA in diyaarada siday Madaxweyne Geelle ay dib u laabatay, kadib markii ay ka soo degi weyday Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Warar soo baxaya […]

Continue Reading

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho SAWIRO;

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya. Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan garoonka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku soo dhoweeyay Hotelka uu shirka ka dhacayo. Ra’iisul Wasaaraha […]

Continue Reading

Madaxweynaha Kenya oo goor dhow ka soo degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad sida Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo lagu wado in loo galbiyo halka uu shirka ka dhacayo oo ah Hotelka Peace. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan Hotelka, isagoo soo dhoweynaya Dhiggiisa Kenya. Madaxweynaha Kenya ayaa ku biiraya Madaxda IGAD […]

Continue Reading

SAWIRO:Dowladda Soomaaliya oo qaban qaabadii u dambeysay ugu jirta Shir madaxeedka IGAD

Dowladda Soomaaliya ayaa qaban qaabadii u dambeysay ugu jirta marti gelinta shir madaxeedka IGAD, kaasoo lagu wado in maalinta berri oo Talaado ah, kuna beegan 13-ka September uu ka dhaco magaalada Muqdisho. Guddiyo kala duwan oo isugu jira hab maamuuska shirka, soo dhoweynta Madaxda iyo Amniga ayaa la sameeyay, kuwaasoo isugu jira dowladda Federaalka, IGAD […]

Continue Reading

Shariif Xasan oo boqolaal ruux meel fagaare kula tukaday (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta meel fagaare ah shacabka ku nool magaalada Baydhabo kula dukaday Salaada Ciidul Adxa. Shariif Xasan oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Wasiirada maamulkiisa, Xildhibaanada Koofur galbeed iyo dadweyne kale ayaa salaada ku dukaday Garoonka K/cagta ee Ayuub. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, […]

Continue Reading