SAWIRO:Dowladda Soomaaliya oo qaban qaabadii u dambeysay ugu jirta Shir madaxeedka IGAD

Wararka Maanta

Dowladda Soomaaliya ayaa qaban qaabadii u dambeysay ugu jirta marti gelinta shir madaxeedka IGAD, kaasoo lagu wado in maalinta berri oo Talaado ah, kuna beegan 13-ka September uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Guddiyo kala duwan oo isugu jira hab maamuuska shirka, soo dhoweynta Madaxda iyo Amniga ayaa la sameeyay, kuwaasoo isugu jira dowladda Federaalka, IGAD iyo AMISOM.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo dhamaan waddooyinka la dhigay ciidamo, waxaa la xiray wadada Maka Al-Mukarama oo aanay wax gaadiidka ah loo ogoleyn.

Boorar lagu xayaysiinayo shirka madaxeedka IGAD ee Muqdisho ka dhici doona ayaa lagu dhajiyay wadada Maka Al-Mukarama illaa garoonka diyaaradaha.

Waxaa kaloo hoolka uu shirka ka dhici doono la suray calanka 7 dal ee ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka la guddoomin doona Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Shir madaxeedka IGAD ayaa noqonayaa kii u horeeyay ee Caalami ah oo ka dhaca Muqdisho tan iyo sanadkii 1974 oo markii u horeysay Muqdisho uu ka dhacay shir madaxeedkii Midowga Afrika

Madaxda IGAD ee lagu wado inay shirka ka soo qeyb galaan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Uganda, Kenya, Jabuuti, K/Sudan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa si rasmi ah loo ogeyn inuu shirka ka soo qeyb geli doono iyo in kale, iyadoo warar ay qoreen Warbaahinta ay sheegayeen in laga yaabo inuu ka baaqdo shirka Muqdsiho.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay inay dhameystireen dhamaan hab maamuuskii looga baahnaa ee shir Caalami, waxaana shirka uu yahay mid hal maalin ah, madaxda ay dib ugu laaban doonaan dalalkooda.

Shirka ayaa ka dhici doona Hotel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xerada Xalane, halkaasoo ammaankiisa ay la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo ciidamo kale oo gaar ah.

qaban-qaabo  qaban-qaabo2qaban-qaabo1

Comments are closed.