Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho SAWIRO;

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan garoonka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku soo dhoweeyay Hotelka uu shirka ka dhacayo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa Muqdisho horay u yimid sanadkii 2012, maalintii la caleema saarayay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Itoobiya ayaa heysa hoggaanka Urur Goboleedka IGAD, shir madaxeedka goor dhow ka dhici doono Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay shir guddoomiyaan Itoobiya, kenya iyo Soomaaliya oo marti gelineysa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in 30 kadib uu furmi doono shirka IGAD, isla markaana ay si wanaagsan u socoto qaban qaabada shirka.

haile-1

haile2-2

Comments are closed.