Faafaahin: Wariye C/casiis Afrika oo lagu dhaawacay Muqdisho

Wararka Maanta

Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Warbaahinta dowladda ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Milateriga.

Dhaawaca Wariye Afrika ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana dhaawiciisa uu yahay mid fudud, isla markaana ay rasaasta kaga dhacday lugta midig.

Wararka ayaa intaa ku daraya in C/casiis Afrika uu ku dhaawacmay agagaarka Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, halkaasoo iska hor imaad uu ku dhex maray Ciidamo Boolis iyo Milateri.

Xiisada u dhaxeysa Milateriga iyo Booliska ayaa caawa laga dareemayaa degmada Boondheere, iyadoo saameyn ay ku yeelatay degmooyinka kale.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay iska rasaaseynta, halka tiro intaa kalena ay ku dhaawacmeen, is rasaaseynta oo aheyd mid culus.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa ku howlan, sidii xiisada ka dhex taagan labada ciidan loo qaboojin lahaa, waxaana socda dadaalo, inkastoo labada ciidan ay isku hor fadhiyaan meelihii iska hor imaadka ka dhacay ee nawaaxiga Daljirka Dahsoon.

Comments are closed.