Heshiiska Soomaaliya iyo Kenya:
Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta waxaa ay saxiixeen heshiis ay labada dal horay u galeen February 2016-ka, kaas oo hadda saxiixa labada mas’uul ka dib si rasmi ah u shaqeyn doona.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya Amina Mohamed ayaa February 1, 2016-kii waxaa ay Adis Ababa ku saxiixeen heshiis loogu magacdaray Joint Commission of Cooperation (JCC) kaas oo dhigaya xiriir toos ah labada dhinac ah oo ku saabsan Socdaalka, Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Nabad-galyada.
Qodobadda Heshiiskaas waxaa ugu muhiimsanaa:
- In la fududeeyo Fiisayaasha labada dal.
- In Duulimaadyo toos ah loo sameeyo Muqdisho iyo Nairobi oo marriinka iyo baaritaanka Wajer meesha laga saaro.
- In KBC ama Kenya Commercial Bank Limited uu barach ka furto Muqdisho.
- In la fududeeyo ganacsiga iyo isu gudubka xadka labada dal.
- Arrinta qaadka ayaa aheyd midda keliya ee shalay ku cusbeyd, taas oo aan la dhihi Karin waxaa ay ku jirtaa ama qeyb ka aheyd heshiiskii February.
Marka February labada wasiir ay heshiiskaas kala saxiixdeen waxaa la sheegay in guddi farsmo loo qabanyo isla markaana fulinta la guda geli doono laakin in madaxda ay saxiixaan ayaa waxaa ay qaadatay 8 bil, waxaa la isweydiinayaa goorta fulintiisa ay bilaaban doonto.
Comments are closed.