Xog dhameystiran.. Safarka MD Farmaajo ee Cadaado iyo Hobyo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan booqanayey deegaanada Galmudug ayaa caawa ku hoyday Magaalada Guriceel gobolka Galgaduud, Madaxweynaha ayaa la filayaa uu beri u ambabaxo degmada Cabudwaaq waqooyiga gobolka Galgaduud, wuxuuna sii mari doonaa Banbale iyo Xeraale. Maalinimada Axadda 21 bishan ayaa la filayaa inuu soo gaaro Degmada Cadaado, waxaana ujeeda safarkiisa […]

Continue Reading

Sawirro: Banaanbax looga soo horjeedo heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna oo Cadaado ka dhacay

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo heshiiskii ay jabuuti ku gaareen Galmudug iyo Ahlu sunna, Waxaana kasoo qeyb galay siyaasiyiin, Nabadoono iyo bulsho farabadan. Dadkii ka hadlay Banaanbaxay ayaa sheegay in aysan aqbali karin burburinta Galmudug, Madaxweyne Xaafna uu ku tuntay sharcigii iyo dastuurkii u yaalay Galmudug, Kasoo […]

Continue Reading

Cadaado oo aan Caawa laga seexan…. Xogtii ugu dambeysay…

Magaalada Cadaado ayaaa waxaa caawa ka socda shirar kala duwan, Waxaa ku sugan masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare Abshir Bukhari, Senator Cabdi Qeybdiid, Wasiir Axmed Qoorqoor, Xildhibaan Abtidoon yare, Xildhibaan Warsame Joodax, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed iyo qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir. […]

Continue Reading

Maxaa kasoo baxay Shirkii Xildhibaanada iyo Reer Cadaado?

Wafdi xildhibaano heer federaal ah ayaa galabta soo gaaray, wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari. Wafdigan waxaa ka mid ahaa Senator Cabdi Qeyndiid, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Warsame Joodax, Xildhibaan CabdiXakiin Macalin Maxamed. Sidoo kale Cadaado waxaa horey ugu sugnaa Wasiir Axmed Qoorqoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare. […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Cadaado & Dhuusamareeb

Hadii aan ku  bilowno Magaalada Cadaado ayaa tan iyo xalay waxaa ka socday shirar isdaba joog ah oo ay yeelanayeen waxgaradka deegaanka. waxaana goordhow soo gabagaboobay shirkii ugu dambeeyey. Saxaafadda ayaa dibad joog ka aheyd shirarkaas, waxaana xogta ka soo baxaysa shirarkaas sheegeysaa Reer Cadaado ay ku adkeysteen go’aankoodu hore oo ahaa in ay qaadaceen […]

Continue Reading

Wasaaradda Amniga oo Warbaahinta uga digtay baahinta Wararka Al-Shabaab

Afhayeenka Wasaaradda amniga gudaha Somaliya C/casiis Xildhibaan ayaa Warbaahinta wuxuu uga digay inay baahiyaan wararka la xiriira Ururka Al Shabaab. C/casiis Xildhibaan oo Saxaafadda la hadlay, ayaa wuxuu sheegay in aanan loo baahneyn buun buuninta wararka ku saabsan Shabaab, kadib markii qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ay baahiyeen war la xiriiray Afhayeenka Shabaab oo […]

Continue Reading

Dhuusa-marreeb:Dibu Dhac ku yimid Dhamaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Munaasabadda mideynta iyo dhameystirka heshiiska ay kala saxiixdeen Ahlusuna iyo Galmudug. Dib u dhacan ayaa la xiriira arrimo farsamo iyo wafuudii la filayay inay magaalada Dhuusamareeb tagaan oo aan wali soo dhameystirmin, kaddib markii ay shalay […]

Continue Reading

K/Galbeed oo Nolosha ku qabatay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed iyo ciidanka xoogga dalka ay nolosha ku qabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Manaas. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa howl gal ku qaaday deegaanka Manaas oo qiyaastii 45KM u jira Baydhabo. Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa […]

Continue Reading

Xogtii ugu dambeysay Magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay shir albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen Madaxweynaha Qaranka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Waxgaradka degmada Cadaado. Shirkaan oo qaatay in ka badan laba saacadood ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, waxaana waxgaradka Cadaado hordhigeen Madaxweynaha Qodobo dhowr ah oo isugu jiray Cabasho iyo Codsi. Waxgaradka Cadaado  ayaa madaxweynaha u […]

Continue Reading

Axmed Madoobe oo ka baaqday Shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusomareeb si uu uga qayb galo Xaflada lagu soo gabagabaynayo Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu  u baajiyay safarkaas shaqooyin muhiim ah oo uu ka qabanayo Xarunta KMG ah ee […]

Continue Reading