Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in fara gelin lagu haayo Doorashada Soomaaliya iyo waxyaabaha ka socda dalka, isagoo tilmaamay in dowlado ay fara gelin ku hayaan.
Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in waxa ka socda Soomaaliya aanay Soomaali gacanta ugu jirin, dad shisheeye ay fara gelin ku hayaan.
“Doorashada kaliya ma ahan waxa fara gelinta lagu haayo, dalka oo dhan baa fara gelin lagu haya waxa ka socda Soomaaliya, Soomaali gacanta ugu jirto, waxaa la sameeyay shan maamul goboleed qabiil ku dhisa, iyagii baa sidii labo dowladood loola macaamilayaa, oo reer galbeedka iyo meelaha kale tagaya”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in dowlado shisheeye aanay wadin dan Soomaali, isla markaana kheyraadka dalka la guranayo, isagoo xusay in hadii la heli lahaa hoggaan wanaagsan aanay dhibka ku dhacay Soomaaliya sidan ahaan laheyn, sida uu yiri.
“Dowladaha shisheeye hadii ay dan Soomaali ka shaqeyn lahaayeen, dowlad goboleedyo qabiil ah ma aysan sameyn laheyn, ciidamo ma aanay qabsan laheyn Kismaayo, Kenya Badda ma aanay qaadan laheyn, kheyraadka dalka lama gurteen”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
Waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliya inay ka heshiiyaan khilaafkooda, ayna iska iloobaan dhibaatadii soo jirtay 25-kii sano ee la soo dhaafay, aakhiradooda u baqaan.
Comments are closed.