Maxaa kasoo baxay Shirkii Xildhibaanada iyo Reer Cadaado?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi xildhibaano heer federaal ah ayaa galabta soo gaaray, wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari.

Wafdigan waxaa ka mid ahaa Senator Cabdi Qeyndiid, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Warsame Joodax, Xildhibaan CabdiXakiin Macalin Maxamed. Sidoo kale Cadaado waxaa horey ugu sugnaa Wasiir Axmed Qoorqoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare.

Masuuliyiintan ayaa shir la qaatay Waxgaradka Cadaado, Waxayna ka codsadeen in ay u tanaasulaan oo ay ka qeyb noqdaan saxiixa Heshiiska Dhuusamareeb. Dood dheer kadib Waxgaradka Cadaado ayaa soo jeediyey in aysan hadda go’aan siin karin, ayna dib isugu soo laabtaan beri subax 9:00 .

Arintaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Cadaado, waxaana Caawa ka socda shirar gaar gaar ah. Dhanka kale waxaa hakad ku jira saxiixa dhameystirka heshiiskii Ahlu sunno iyo Galmudug.