Cadaado oo aan Caawa laga seexan…. Xogtii ugu dambeysay…

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado ayaaa waxaa caawa ka socda shirar kala duwan, Waxaa ku sugan masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Aqalka Sare Abshir Bukhari, Senator Cabdi Qeybdiid, Wasiir Axmed Qoorqoor, Xildhibaan Abtidoon yare, Xildhibaan Warsame Joodax, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed iyo qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Masuuliyiintaan oo intooda badan ka yimid Magaalada Dhuusamareeb, ayaa wali shirar uga socdaan Cadaado. Qeybaha Bulshada Cadaado oo goordhow usoo idlaadeen shirar ay la lahaayeen masuuliyiinta ku matala dowladda Federaalka ayaa isla qaatay in aysan ka qeyb galin Munaasabadda beri ka dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb.

Senator Bukhaari, wasiir Qoorqoor iyo Xildhibaan Abtidoon yare ayaa ka baaqsaday in ay beri ka qeybgalaan shirka dhuusamareeb, iyagoo tixgaliyey baaq uga yimid bulshada ay mataalaan. Sidoo kale Masuuliyiinta kale ee ka yimid dhuusamareeb ayaa la filayaa in dib ugu laabtaan halkaasi.

Dhanka Kale Beri galinka hore ayaa la filayaa in Cadaado ka dhaco shirweyne lagu lafagurayo xaalada siyaasadeed ee taagan, Waxaana Caawa Cadaado laga dareemayaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed. Waxay u muuqataa in lagu guuldareystay wadahadalkii ay u yimaadeen masuuliyiintu.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com

ama barteena facebooka www.facebook.com/ceelhuurnews