Manchester United Oo Kalsooni Ku Qabta In David De Gea Hishiis Cusub Saxiixo Si Dhaqso Ah

Ciyaaraha

Manchester United ayaa kalsooni ku qabta in David De Gea uu saxiixi doono qandaraas cusub oo muddo dheer ah iyadoo wadahadaladii ay ku bilowday si aan caadi aheyn, sida laga soo xigtay Independent.

Xiddiga reer Spain ayaa u saxiixay kooxda ka dhisan Old Trafford xagaagii 2011, waxaana uu si aad ah u bartilmaameedsanayay goolhayaha ugu fiican adduunka, waxaana dhawaan uu keydka ku soo galay kooxda.

De Gea ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, xiddigii hore ee Atletico Madird ayaa ku soo laaban lahaa caasimada Spain xagaaga 2015ka laakiin wuxuu ku sii nagaaday kooxda.

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto 26 jirkaan, inkastoo Keylor Navas uu door muhiim ah ka ciyaaray kooxdii noqotay kooxdii ugu horeysay ee ku guuleysato Champions League markii alabaad markii ay ka qaadeen Juventus bishii May ee Cardiff.

Heshiiska haatan ee De Gea ayaa dhacaya xagaaga 2019, laakiin United ayaa aaminsan inay ku faraxsan yihiin rikoorkiisa haatan ee Manchester United, iyadoo United ay horumar weyn sameysay.

W/Q Hafsa haji