Xogtii ugu dambeysay Magaalada Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay shir albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen Madaxweynaha Qaranka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Waxgaradka degmada Cadaado. Shirkaan oo qaatay in ka badan laba saacadood ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, waxaana waxgaradka Cadaado hordhigeen Madaxweynaha Qodobo dhowr ah oo isugu jiray Cabasho iyo Codsi.

Waxgaradka Cadaado  ayaa madaxweynaha u gudbiyey in ka soo horjeedaan heshiiskii Jabuuti, sidoo kale waxay cadeeyeen in aysan jirin cid ku matali karta saxiixa la filayo inuu ka dhaco dhuusamareeb. Waxaana markii dambe la isla gartay in labada dhinac sameeyaan la tashiyo, waxaan waxgaradka uu la tashigii ku jira Madaxweynuhu u safray dhuusamareeb, taas oo ay aad uga caroodeen.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa caawa ka dhacay shirar looga arinsanayo waxa ay bulshadu ka yeelayso arintii maanta dhacday. Waxaana loo balan san yahay beri subax shir balaaran ka dhaco magaalada, dhanka kale Wasiirudowlaha Howlaha Guud Axmed Cabdi kaariye iyo Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo ka haray safarkii Madaxweynaha ayaa isku dayaya in ay dajiyaan bulshada, iyagoo dhankooda shirar la yeeshay qeybaha bulshada.

Cadaado ayaa laga dareemayaa jawi siyaasadeed, waxaana aad loo hadal hayaa Natiijada shirkii Maanta. lama oga halka ay saldhigan doonto xaaladan siyaasadeed. sidoo kale Siyaasiyiin deegaanka ayaa inta badan taageeray aragtida waxgaradka Cadaado. wixii ku soo kordha kala soco ceelhuur.com