Nin ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa saakay waaberigii waxa ay Xaafada Haanta-dheer ee degmada Deyniile e Gobolkan Banaadir ku dileen Nin ka tirsanaa Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya. Ninkaan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Oongooye, waxaana dilkiisa xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan,isaga oo uga tacsiyadeeyay qaraabadii iyo eheladii […]

Continue Reading

Saameynta ka bixitaanka Ciidanka Maraykanka ee Dalka Suuriya

Maanta, guud ahaan gobolka Bariga Dhexe, waxaa aad loo hadal hayaa go’aanka madaxweyne Donald Trump uu ciidanka Maraykanka uga saarayo Suuriya horraanta 2019. Waa tallaabadii ugu muhiimsaneed ee colaadda Suuriya ka sokoow faragelinta Ruushka ee 2015. Waxay bedelaysaa jihada colaadda. Dalal iyo kooxo aan dawli aheyn, oo badan mid walbana uu doonayo natiijo masaalixdiisa kaabeysa […]

Continue Reading

Alshabaab oo Jidka u galay Kolonyo uu la socday Gudoomiyaha G. Hiiraan

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhabo ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo saraakiil ciidan oo ku sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiinta oo saakay ka anbabaxay magaalada Beledweyne ayaa lagu waramayaa in iska horimaad ku dhaxmaray […]

Continue Reading

RW Kheyre oo booqday Dhaawacyadii Qaraxyadii Muqdisho

 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii kooxaha argagixisadu ay shalay ku laayeen dadka shacabka ah. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Ordugan Ex-Digfeer oo la dhigay […]

Continue Reading

MD Farmaajo oo ka hadlay Qaraxyadii Maanta ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas oo ay fuliyeen kuwo naftood halligeyaal ah, arxan daran, diin iyo […]

Continue Reading

Idaacadda Codka Gobolada Dhexe oo u dabaaldagtay Sanadguuradii 9aad (Sawirro)

Munaasabad loogu dabaaldagayey sanadguuradii 9aad ee Aasaaska idaacadka codka gobolada Dhexe ayaa maanta lagu qabtay Hotel Central Magaalada Cadaado. Idaacadan ayaa la yagleelay 22 December 2018, waxaana xarunteeda ugu weyn ku taalaa Magaalada Cadaado, Agaasimaha guud ee Idaacadda Codka Gobolada Dhexe Maxamed Maxamuud Aw Aadan ayaa goobta ka sheegay in idaacadda ay sanadkan 2018 kusoo […]

Continue Reading

Wasiir Gaadiidka DFS oo beeniyay in lagu xirey Muqdisho

Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda  Soomaaliya  ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabta Magaalada Muqdisho waxa uu ku beeniyey  warar sheegaya in la xirey. Warkaan ayaa maanta lagu baahiyey baraha Bulshada, sidoo kale waxaa tabiyey qaar ka mid ah idaacadaha Magaalada Muqdisho, wasiirka oo ka jawaabaya arintan ayaa yiri : “Runtii […]

Continue Reading

Madaxii Alshabaab ee Qaraxyada Gawaarida lagu dhajiyo oo lagu qabtay Muqdisho

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Amniga ururka Alshabaab Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya. NISA ayaa sheegtay in ninkaan la qabtay uu madax ka ahaa howlgalka Alshabaab ee qaraxyada gawaarida lagu dhajiyo gawaarida magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu madax ka ahaa xarun qarsoon qaraxyadan lagu diyaarin jiray. […]

Continue Reading