Laba qarax oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha in ka badan 15 qofood, halka dhaawacu intaas ka badan yahay, Qaraxa 1aad ayaa ka dhacay Bar kontorool Tiyaatarka Qaranka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxaas koowaad ayaa waxaa ku dhintay wariye cawil daahir salaad iyo shaqaale ka tirsan Tvga Universal, sidoo kale Qarax labaad ayaa 30 daqiiqo kadib ka qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon, waxaana ku dhaawacmay Gudoomiye ku xigeenka 1aad gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Xildhibaan Warsame Joodan, waxaana qaraxaas ku dhintay ilaalada masuuliyiintaan.
Sidoo kale Qaraxyadan ayaa waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo wadada Maray, waxaa sidoo kale ku burburay dhismayaal iyo gaadiid.
Dhanka kale ciidana NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen ku sheegay in ay qabteen ragii ka dambeeyey weeraradan : “Ciidanka NISA oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta kusoo dhigay hogaamiyihii howlgalka qaraxyada Alshabab ee maanta shacabka lagu gumaaday iyo wadahii gaarigii danbe oo asagoo ciidanka NISA gacanta kuhayo qarxay, kadib markii shacabka laga fogeeyay”.