Sawirro: Shirka DFS iyo maamul goboleedyada oo Muqdisho ka Furmay

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa furey shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Shirka waxaa goob joog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana inta uu socda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexe dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlayo waxaa ka mid ah shir dhawaan la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska, kaasi oo ay dowladda qorsheyneyso inay la tegto ajende mid ah oo ka turjumaya xaaladda dalka.

shirka ayaa la filayaa marka uu dhamaado in laga soo saaro warmurtiyeed qeexaya waxyaabihii looga hadlay.

FB_IMG_1492264564281 FB_IMG_1492265253546 FB_IMG_1492264964141