Maxaa laga filan karaa Wada hadalada Gaalkacyo?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug waxaa xalay ilaa maanta ka socday wada hadalo saddex geesood ah oo u dhaxeeyey Senatarada Aqalka Sare ku matala Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf iyo Odayaasha beesha Sacad.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa gudoominayey kulamada, Wada xaajoodkan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka ragaadiyey Maamulka Galmudug, Shirkii koowaad oo xalay dhex maray Odayaasha iyo Senatarada ayaa dood dheer kadib waxaa la isla qaatay in la isugu yimaado shir kale oo uu qeyb ka yahay Axmed Ducaale Xaaf.

Axmed Ducaale oo isku dayey inuu diido shir uu la yeesho Senatarada, ayaa cadaadis kaga yimid odayaasha beeshiisa, waxa ay ku qasbeen inuu soo hor fariisto Senatarada. kulankan ayaa dhacay galabta casirkii Hotel Five Star Gaalkacyo, wuxuuna soo  gaban gaboobay maqribkii ka hor, Waxaana lagu balamay in Bacdal Maqrib la isugu yimaado kulan kale.

Kulankii galabta ayaan wax la isku reeban, kamana soo bixin natiijo rasmi ah marka laga reebo in dooduhu kululaayeen, Sidoo kale Xaaf  ayaa goobta ka sheegay in fidnada Galmudug tahay Cadaado, hadalkaas oo uu ka jawaabay Senator Dhagey oo xasuusiyey Xaaf Ducaale in Cadaado ay abaal weyn u gashay Galmudug, diidmada reer Cadaadana timid kadib markii uu Xaaf dhagaha ka fureystay in xarunta Barlamaanka lagu qoro Dastuurka Galmudug. dhibaatada Galmudugna ay asal u tagay in Xaaf diiday in talada lala yeesho, waxna la isku soo jiido.

Wada hadalada ayaa u muuqda kuwa waqti badan qaadan doona, iyadoo Xaaf isku dayayo inuu beri aado Garoowe si uu uga qeybgalo shirka Madaxda Maamul goboleedyada. Kulanka Caawa ayaa waxaa suurtagal ah in Xaaf la hordhigo qodobo ay senataradu u arkaan lagu xalin karo khilaafka Galmudug, sida aan ka helnay ilo xog-ogaal ah qodobadaasna  waxaa ka mid ah:

  1. in Xaaf aqbalo in Senataradu raadiyaan xalka khilaafka Galmudug.
  2. in Xaaf ka baaqdo shirka Garoowe, si fursad loo siiyo wada xaajoodka.

Xaaf ayey u badan tahay inuu diido qodobadan, inkastoo Odayaasha iyo Senataradu doonayaan in natiijo fiican kasoo baxaan kulmadaan. Bulshada Galmudug ayaa ka daashay khilaafka Madaxda Galmudug, waxaana laga dhursugayaa waxa kasoo baxa Gaalkacyo.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com