Munaasabad loogu dabaaldagayey sanadguuradii 9aad ee Aasaaska idaacadka codka gobolada Dhexe ayaa maanta lagu qabtay Hotel Central Magaalada Cadaado.
Idaacadan ayaa la yagleelay 22 December 2018, waxaana xarunteeda ugu weyn ku taalaa Magaalada Cadaado, Agaasimaha guud ee Idaacadda Codka Gobolada Dhexe Maxamed Maxamuud Aw Aadan ayaa goobta ka sheegay in idaacadda ay sanadkan 2018 kusoo kordhiyeen Livestreamka oo dibadda laga dhageysan karo, sidoo kale sanadka cusub ay soo kordhin doonaan adeegyo cusub.
Sidoo kale ka qeybgalayaasha ayaa u duceeyey Aasaasihii idaacad Maxamed Cumar Hagafey oo kol hore lagu dilay Magaalada Muqdisho. idaacadan ayaa waxaa ka aflaxan wariyayaal badan oo hadda ka shaqeeya warbaahinta gudaha iyo dibadda.