RW Kheyre oo booqday Dhaawacyadii Qaraxyadii Muqdisho

Wararka Maanta

 Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii kooxaha argagixisadu ay shalay ku laayeen dadka shacabka ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Ordugan Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale.

Raiisull wasaaraha ayaa bokaanada si toos ah ula wadaagayay dareenkiisa,isagoo mid mid u xog wareysanayay,halka kuwa aan xaaladoodi ka sheekeyn karina uu ka xog wareysanayay eheladooda iyo dhaqaatiirka isbitaaladaasi.

Wuxuu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada,isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiiusl wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkoda iyo waxyaabihii ay la kulmeen.

“Waxaan soo marnay isbitaalada Madiina iyo Ordugan marka shacabka waxaaan u sheegayna in raiisul wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka,waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wdajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo.

Labo qarax oo lo adeegsaday gawaari ayaa shalay kooxaha argagixisadu waxaa ay dad shacab ah kula beegsadeen ag agaarka Matxafka Qaranka iyo Taaladda Daljirka,tani ayaa kor u qaadaysaa hamigii ahaa in meel looga soo wada jeesto argagixisada.