Maanta, guud ahaan gobolka Bariga Dhexe, waxaa aad loo hadal hayaa go’aanka madaxweyne Donald Trump uu ciidanka Maraykanka uga saarayo Suuriya horraanta 2019. Waa tallaabadii ugu muhiimsaneed ee colaadda Suuriya ka sokoow faragelinta Ruushka ee 2015. Waxay bedelaysaa jihada colaadda.
Dalal iyo kooxo aan dawli aheyn, oo badan mid walbana uu doonayo natiijo masaalixdiisa kaabeysa inay kasoo baxdo, ayaa ku loollamaya collaadda Suuriya. Laakiin si horu dhac ah waxaa loo dhihi karaa go’aanka Trump waxaa uu saameyn taban ku yeelanayaa:
1) Kooxda Kurdiyiinta Suuriya, ee loo yaqaanno YPG, taas oo muddo dheer Maraykanka Xulufo la aheyd. Bixitaanka Ciidanka Maraykanka kadib waxaa la qiyaasayaa in kooxdani u dhowaan doonto Ruushka, Iran & Nidaamka Assad si ay uga hortagto farogelin ciidan oo uga timaada Turkiga.
2) Israa’il ayaa wax ku weyn doonta bixitaanka Maraykanka. Wadashaqeynta Israail iyo Ruuska ee dagaalka Suuriya dhowaan waa soo xumaanaysay. Tusaale ahaan, bishii September Ruuska ayaa hoos u dhigay wadashaqeyntiisa Israa’il kadib markii ciidanka Suuriya uu soo riday diyaarad basaas ah oo Ruushku lahaa. Ciidanka cirka ee Israa’il ayaa diyaaraddaas u adeegsaday gaashaan ahaan (cover) mar ay howlgal ka sameynayeen hawada Suuriya. Taasina waxay sababtay in Ciidanka difaaca hawada Suuriya uu diyaaraddii soo rido. Saameynta Israail ee Suuriya waxay si dhammeystiran ugu tiirsaneyd Maraykanka.
3) Sucuudiga, oo muddo dheer Maraykanka ku cadaadinayay in ciidamadiisu sii joogaan Suuriya si ay uga hortagaan awoodda Iran & Turkiga, ayaa go’aankaan wax ku weynaya. Bishii November, Sacuudigu $100 milyan ayay ku bixiyeen inay Trump ka dhaadhiciyaan in ciidankiisu sii joogo Suuriya.
W/Q: Abdelnor Dahir