Axmed Ducaale Xaaf Madaxweynaha cusub Galmudug

Waxaa goordhow soo idlaaday natiijada wareega labaad, waxaana ku tartamayey labada musharax Axmed Cali Hilowle iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Waxaa codeynta ka qeybgalay 89 xildhibaan, waxayna kala heleen labada Musharax 1. Axmed Cali Hilowle 34 cod 2. Axmed Ducaale Geelle Xaaf 54 cod 3. Hal codna waa xumaaday. Waxaa ku guuleystay Madaxweynaha dowlad goboleedka […]

Continue Reading

Natiijada Wareega koowaad Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Waxaa goor dhow soo dhamaaday wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaana ku tartamayey saddex musharax oo kala ah: Axmed Cali Hilowle, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac. Gudoomiyaha Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqay Natiijada wareega koowaad ee doorashada. 1. Axmed Ducaale Geelle Xaaf   […]

Continue Reading

Toos u daawo doorashada Madaxweynaha Galmudug

Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka bilaabatay xarunta Madaxtooyada Cadaado. Waxaana ku tartamaya saddex Musharax oo kale ah 1. Axmed Cali Hilowle 2. Axmed Ducaale Geelle Xaaf 3. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac Xildhibaanada Galmudug, musharixiinta, wafdi dowlada Federaalka, iyo marti sharaf kale ayaa goobta ku sugan. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey. La wadaag asxaabtaada tabinta […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Olalaha Doorashada Galmudug

Waxaa saacado kooban naga xigaan bilaabashada doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Ololihii ugu xooganaa ayaa ka socda Magaalada Cadaado. Waa habeenkii dheeraa, waxaana xarumaha Olalaha Musharixiinta ka socda xodxodashadii ugu dambeysay, Balamo iyo cod kala gadasho ayaa socda, Xildhibaanada iyo dalaaliinta siyaasada ayaa hadba musharax u tagaya. Labada Musharax Axmed Cali Hilowle iyo Axmed Ducaale […]

Continue Reading

Natiijada Codeynta Baraha Bulshada Doorashada Galmudug

Shabakadda Ceelhuur Online ayaa baraha bulshada 29 bishaan ku soo bandhigtay in bulshada Galmudug u codeeyaan 3 Musharax oo u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug. Ra’yi aruurintaan ayaa socotay 29 April ilaa 2 May 2017, waxaana Bulshada aragtidooda ku muujiiyeen sidan Musharax Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac ayaa helay 61.2 % Musharax Axmed Cali […]

Continue Reading

Sawirro: Wafdi ka socda Dowlada Federaalka oo Cadaado soo gaaray

Wafdi ka socda dowlad federaalka ah ayaa galabta soo gaaray Magaalada Cadaado, oo beri la filayo in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynihii labaad oo ay yeelato dowlad goboleedka Galmudug. Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, waxaana ku wehliya safarka Wasiirka howlaha guud Xirsi Rooble, Wasiir ku xigeenka […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Cadaado kusoo laabtay

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka dowlad goboleedka Galmudug. Xaashi ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, iyo masuuliyiin kale. Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyey gudoomiye ku xigeenka 2-aad Barlamaanka Galmudug iyo madax […]

Continue Reading