Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka dowlad goboleedka Galmudug.
Xaashi ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, iyo masuuliyiin kale.
Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyey gudoomiye ku xigeenka 2-aad Barlamaanka Galmudug iyo madax kale.
Wafdigaan ayaa Muqdisho uga soo qeybgalay wadahadaladii u dhaxeeyey Galmudug iyo Ahlu sunno, kaas oo aan natiijo kasoo bixin.
Madaxweyne ku xigeenka oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in Galmudug markasta diyaar u tahay wadahadal iyo dib u heshiisiin.