Natiijada Wareega koowaad Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goor dhow soo dhamaaday wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaana ku tartamayey saddex musharax oo kala ah: Axmed Cali Hilowle, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac.

Gudoomiyaha Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqay Natiijada wareega koowaad ee doorashada.

1. Axmed Ducaale Geelle Xaaf   57 cod

2. Axmed Cali Hilowle 24 cod

3. Prof Cabdulqaadir M. shirwac 7 cod.

Codbixinta ayaa waxaa ka qeyb galay 89 xildhibaan, 1 cod ayaa halaabay, waxaa hadda loo gudbay wareega labaad, waxaana ku tartamaya Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Cali Hilowle.

Nagala soco ceelhuur.com