Sawirro: Musharax Axmed Shariif oo si weyn loogu soo dhaweeyey Cadaado

Musharaxa jagada Madaxweynaha dowlad goboleedka mudane Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif ) ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado. Musharaxa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyey Madaxda iyo Shacab farabadan, waxaana kadib loo galbiyey Hotel Central halkaas oo uu kula hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada. Gudoomiyaha degmada Cadaado Tootoole, Madaxweyne […]

Continue Reading

Sawirro: Prof Shirwac oo la gudoonsiiyey Shahaadadii Musharaxnimada

Musharax Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa la gudoonsiiyey shahaadada Musharaxnimada. Shahaadadan waxaa gudoonsiiyey guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug, Prof Shirwac ayaa noqonaya musharixii ugu horeeyey ee la gudoonsiiyo Shahaadada. Shahadaadan ayaa cadeynaysa in musharaxu soo buuxiyey dhammaan shuruudihii laga rabay Mushaxa.

Continue Reading

Wadahadalkii Galmudug iyo Ahlu sunno oo burburay

Guddigii dowlad goboleedka Galmudug u matalayay Wada hadalada u dhaxeeya Ahlusunna iyo Galmudug ayaa goor dhow shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Syl magaalada Muqddisho waxa ay  ku dhawaaqeen inuu bur buray Wada Hadaladii ay la lahaayeen Ahlusuna ee ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan jaraa’id ayey Guddigu ku shaaciyeen inuu gebi ahaanba istaagay wada […]

Continue Reading

Sawirro: Hayat Foundation oo deeq gaarsiisay Barakacayaasha Baxdo

Hay’adda Hayat Foundation ayaa Barakacayaasha ku sugan Magaalada Baxdo u qaybisay Raashin iskugu jira Burr, Bariis, Sonkor iyo Saliid. Qoysaskaan ayaa ka soo Barakacay degaano hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxaa deeq raashin ah oo kasoo gaartay Hay’adda Xayaat Foundation loogu qaybiyay kaam ku yaala Magaalada Baxdo, ayadoona ay kaamkaasi soogaareayeen Qaxooti horleh […]

Continue Reading

Sawirro: 14 Ruux oo Shuban Biyood ugu geeriyootay deegaanka Gadoon

Deegaanka Gadoon oo hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa todobaadkan waxaa cudurka Shuban biyoodka u geeriyooday 14 qofood. Sidoo kale dad ku dhow 100 ruux, oo intoo badan la jiifiyey isbitaalka Gobolka galgaduud ee dhuusamareb iyo xarunta caafimaadka Sahed ee Gadoon. Deegaanka Gadoon ayaa 40 km beri uga beegan degmada Dhuusamareeb, deegaanka ayaa dhibaato […]

Continue Reading

Sawirro: Tartanka Ciyaaraha xaafadaha Cadaado oo la daahfuray

Waxaa garoonka kubadda cagta ee degmada Cadaado ka furmay ciyaaraha Xaafadaha Cadaado, ciyaartaan ayaa ujeedadeedu tahay isdhexgalka dhalinyarada iyo sara u qaadista nabadda. Gudoomiyaha degmada Cadaado iyo agaasimaha guud ee wasaarrada dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa wadajir u daahfuray ciyaarahaan, oo lagu bilaabay xaafadaha Waaberi iyo Galbeed. Dhankale Hay’ada Mercy Corps ayaa maamulka degmada Cadaado ku […]

Continue Reading

Sawirro: Musharax Axmed Shariif oo la kulmay safiirka Turkiga

Musharax Madaxweynaha Galmudug Axmed Shariif ayaa Muqdisho kula kulmay safiirka Turkiga Oglan Bekar. Labada masuul ayaa kawada hadlay arimaha doorashada Galmudug oo la filayo in ay magaalada Cadaado ka dhacdo 30 bishaan. Sidoo kale waxay kawada hadleen sidii Turkigu gacan uga geysan lahaa gargaarka abaaraha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug. Musharax Axmed ayaa ka mid […]

Continue Reading