Wararkii ugu dambeeyey Olalaha Doorashada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa saacado kooban naga xigaan bilaabashada doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Ololihii ugu xooganaa ayaa ka socda Magaalada Cadaado.

Waa habeenkii dheeraa, waxaana xarumaha Olalaha Musharixiinta ka socda xodxodashadii ugu dambeysay, Balamo iyo cod kala gadasho ayaa socda, Xildhibaanada iyo dalaaliinta siyaasada ayaa hadba musharax u tagaya.

Labada Musharax Axmed Cali Hilowle iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa loolanka ugu adag ka dhaxeeyaa, qiimaha codka xildhibaanka ayaa maraya 7,000 dollar, waxaana socda gorgortan siyaasadeed. Musharax Cabdulqaadir Maxamed Shirwac ayaa isagu wax lacag ah ku bixinaynin codadka Xildhibaanada.

Saadaasha xiligaan ayaa tilmaamaysa in ay isku dhow yihiin dhanka taageerada xildhibaanada ay haystaan labada Musharax Axmed shariif iyo Xaaf, waxaana la qiyaasayaa in midkiiba haysto 40 xildhibaan, iyadoo tirada guud ee xildhibaanadu yihiin 89 xildhibaan.

Musharixiinta ayaa isku dayaya in ka faa’iideystaan saacadaha kooban ee ka haray doorashada, waxaana saacad kasta isbadalaya taageerada xildhibaanada, waxaana wararka qaar sheegayaan in dowlada Federaalku ay wadato Musharax Axmed Cali Hilowle.

Doorashada ayaa bilaababaya 9 subaxnimo, waxaana loo badinayaa in ay laba wareeg noqoto. Laba Axmed midkood ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysto Madaxweynaha Galmudug.

Nagala soco ceelhuur.com