Qarax Xalay ka dhacay deegaanka Mareergur gobolka Galgaduud

Waxaa faafaahino dheeraad ah kasoo baxayaan qarax xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Mareergur ee degmada Dhuusamareeb gobolka Galgaduud. Qaraxaan ayaa ka dhacay waddo aada xero ciidan oo ku taala galbeedka magaalada, waxaana lala beegsaday gaari siday ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu sunno. Warka ayaa intaa ku daraya in Qaraxaan ahaa bamka gacanta laga tuuro, lamana […]

Continue Reading

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo hakisay Wadashaqeyntii Wasaaradda Waxbarashada Federaalka

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarshada Dowlad goboleedka Galmudug ayey ku sheegtay in ay hakisay xiriirkii shaqo ee kala dhaxeeyey Wasaaradda Waxbarshada Dowlad Federaalka. Warsaxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in Wasaaradda waxbarashada Federaalku ay faraha kula jirto shaqadii wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada. Dowlad Federaalka iyo beesha caalamka ayaa wali ku dhagan nidaamka in mashaariicda dalka loo qeybiyo […]

Continue Reading

Sawirro: 223 Arday oo ka Qalinjabiyey Dugsiga Cumar Alfaaruuq Cadaado

Munaasabad ay ku qalinjabinayeen 223 arday oo dhameystay Waxbarshada Dugsiga Sare iyo Dhexe ee Dugsiga Cumar Alfaaruuq ayaa lagu qabtay xarunta kafaalo magaalada Cadaado. Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Madaxda Iftiin, waalidiin, Arday iyo marti sharaf kale. 109 Arday oo ah Dufcadii 4-aad ayaa ka qalinjabiyey Dugsiga Sare , halka 114 arday ka […]

Continue Reading

Sawirro: Dufcadii 2-aad oo ka Qalinjabiyey Dugsiga Waaberi Godinlabe

Xaflad isugu jiratay xirtaanka sanad dugsi yeedka 2016/2017 Dugsiga Hoose/Dhexe waaberi Godinlabe iyo arday dhamaysatay waxabarashada Fasalka 8-aad ayaa lagu qabtay Magaalada Godinlabe, Munaasabadan ayaa  Waxaa kasoo qaybgalay Maamulka dugsiga, xubno kasocday ururada bulshada, macalimiin, walidiin iyo marti sharaf kale. Dugsiga Hoose/Dhexe ee Waaberi Godinlabe ayaa waxaa aasaasay Bulshada Godinlabe, waxaana goobta ka hadlay Cabdi […]

Continue Reading

Sawirro: Galkacyo oo laga xusay 15ka May

Magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa laga xusay 15ka May Aasaaskii ururkii dhalinyarada SYL, munaasabadaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay ururka dhalinyarada Galmudug iyo ururka dhalinyarada gobolka Mudug, waxaana xaflada kasoo qeybgalay Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Galkacyo iyo martisharaf kale. Kooxaha fanka ayaa heeso wadani ah goobta ka qaaday, waxaana masuuliyiintii […]

Continue Reading

Daawo Cadaado oo laga xusay Sanadguuradii 74-aad Asaaskii SYL

Magaalada Cadaado ayaa lagu qabtay kulan lagu xusayey sanadguuradii 74-aad ee xuska aasaaskii Ururkii Dhalinyaradii SYL, waxaana xalay lagu qabtay garoonka ciyaaraha ee Shire Fustal ciyaaro lagu xusayey 15ka May. Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Agaasimaha Ciyaaraha Galmudug C/qani Xasan Dhore, Gudoomiyaha Ciyaaraha Cabdifitaax Baadshaa iyo bahda ciyaaraha Galmudug, waxaan kasoo qeybgalay masuuliyiin uu ugu […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu ka qeybagalay shirkii arimaha Soomaaliya ee Magaalada London Dalka UK. Mdaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dallaasi UK kulamo kala duwan layeeshay Jaaliyada Galmudug iyo Siyaasiyiin Diblumaasiyiin kala duwan waxa uuna kala hadlayay sidii Galmudug loo hormarin […]

Continue Reading

Sawirro: Booliska Galmudug oo dib u celiyey gaari laga soo dhacay Puntland

Ciidamada Booliska Galmudug ee ka howlgala magaalada galkacyo ayaa ku guuleeystay in ay gacanta kusoo dhigaan gaari land cruiser ah oo ay laheyd wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka Puntland Farxiyo yuusuf xirsi. Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa yiri: “Gaarigaan waxaa si sharci dara ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u […]

Continue Reading

Sawirro: Dayactir ka socda Madaxtooyada Galmudug

Dayactir xooggan ayaa ka socda xarunta Madaxtooyada Galmudug Cadaado, dayactirkaan ayaa qeyb ka ah diyaar garowga loogu jiro caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Caleemasaarka Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey in 22 bishaan ay ka dhacdo magaalada Cadaado xarunta Galmudug. 3 bishaan ayaa Cadaado lagu doortay Madaxweyne Axmed Xaaf, waxa uuna […]

Continue Reading