Sawirro: Galkacyo oo laga xusay 15ka May

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa laga xusay 15ka May Aasaaskii ururkii dhalinyarada SYL, munaasabadaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimay ururka dhalinyarada Galmudug iyo ururka dhalinyarada gobolka Mudug, waxaana xaflada kasoo qeybgalay Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Galkacyo iyo martisharaf kale.

Kooxaha fanka ayaa heeso wadani ah goobta ka qaaday, waxaana masuuliyiintii goobta ka hadashay ay ka sheekeeyeen Taariikhda 13kii dhalinyaro ee aasaasay SYL, loona baahan in dhalinyaradu ku daydaan.

received_1206505389475701 received_1206505836142323 received_1206506192808954 received_1206507292808844