Waxaa faafaahino dheeraad ah kasoo baxayaan qarax xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Mareergur ee degmada Dhuusamareeb gobolka Galgaduud.
Qaraxaan ayaa ka dhacay waddo aada xero ciidan oo ku taala galbeedka magaalada, waxaana lala beegsaday gaari siday ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu sunno.
Warka ayaa intaa ku daraya in Qaraxaan ahaa bamka gacanta laga tuuro, lamana oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa, ciidamada Ahlu sunno ayaa la sheegay inay dhalinyaro ka xirxireen guryo u dhow goobta qaraxu ka dhacay.
Ma jirto cid ka tirsan maamulka Ahlu sunno oo ka hadashay Qaraxaan oo laga maqlay deegaanada ku hareeraysan Mareergur.