Xogta Deegaanadii ay Alshabaab qabsadeen Koofurta gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ururka Alshabaab oo ciidankoodu shalay galab isku fidiyey Tuulooyinka Baraag Farey iyo Waable ee koofurta gobolka Mudug, ayaa wararka halkaas saaka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in wali ku sugan yihiin deegaanadii ay qabsadeen.

Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay gubayaan beeraha, aqalada iyo hantida ma guurtada ah ee ay halkaas ugu tageen. Waxaana laga cabsi qabaa in maanta ay isku fidiyaan deegaano horleh.

Ma jirto cid iska caabin kala soo horjeeda, ciidankii deegaanka ee dagaalka kaga soo horjeeday Alshabaab ayaa isaga baxay goobta. sidoo kale Maamulka Galmudug iyo Dowladda federaalka ayaa gabay in ay u gurmadaan dadka rayidka ee halkaas lagu laynayo.

Qoysas badan oo ka barakacay deegaanada Caad, Ceelhuur, Baraag farey, waable, Qararow ayaa gaaray magaalooyinka Hobyo, Cadaado, Baxdo, Camaara iyo Galkacyo.

Dadka qaar ayaa ku barakacay baadiyaha u dhaxeeya ceelhuur iyo Hobyo, waxaana halkaas laga soo sheegayaa silic iyo rafaad badan, dhulkaas oo ah dhul aan dhir badan laheyn ayaa intaas waxaa u sii dheer dabeysha xagaaga iyo biyo yari haysata qoysaska halkaas ku barakacay,  Ma jirto cid gurmad la gaartay qoysaskaas halkaas ku barakacay.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com

 

 

Tagged