Xiisad Colaadeed oo ka jirta Magaalada Caad ee gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xiisad colaadeed ayaa saaka ka jirta maagaalada Caad oo hoostagta degmada Xarardheere gobolka Mudug, xiisadda ayaa u dhaxeysa ciidamada Deegaanka iyo ururka Alshabaab. Caad ayaa waqooyi bari uga beegan 60 km degmada Xarardheere.

Ciidamada Deegaanka ayaa saaka aroortii weerar qorsheysan kula wareegeen deegaanka Ceel Cabdi oo ah Saldhig weyn oo Alshabaab ku lahaayeen meel u dhow magaalada Caad, sidoo kale ciidmada deegaanka ayaa gudaha u galay magaalada Caad halkaas oo uu ka dhacay dagaal kooban. labada dhinac ayaa ku sugan magaalada.

Waxaana la filan karaa dagaal culus, Alshabaab ayaa muddo 6 sano ah heystay deegaanka Ceel Cabdi iyo magaalada Caad, waana markii ugu horeysay oo ciidanka deegaanku gudaha u galaan magaalada Caad.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii koobnaa ee saaka ka dhacay Caad, waxaana wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in rasaastu joogsatay, dadkii rayidka ahaana magaalada ka barakaceen.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com

Tagged