Wararkii ugu dambeyey Xaalada Deegaanka Caad gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa dagan xaalada deegaanka Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug, halkaas oo saaka  dagaal ku dhex maray ciidanka deegaanka iyo Ururka Alshabaab.

Dagaalka ayaa saaka dhacay gudaha deegaanka Caad, halkaas oo ciidanka deegaanku weerareen saldhiga Alshabaab ku lahaayeen gudaha Magaalada. Alshabaab oo gurmad ka helay degmada Xarardheere ayaa markii dambe dib ula wareegay Magaalada Caad.

Khasaaraha dagaalka ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray labada dhinac, Taliyihii ciidanka deegaanka Goobe Gurey iyo laba nin oo kale ayaa ku dhintay dagaalka, halka dhaawaca ciidanka deegaanku gaaray 2 qofood.

Sidoo kale Alshabaab ayaa gudaha Magaalada Ku dilay nin oday ah oo aad looga yaqaana Caad oo lagu magacaabi jiray Xaaji Xuseen.

Dhanka Alshabaab ayaa dagaalka ku waayey 6 dagaal yahan iyo dhaaawac in ka badan 10 askari . waxaana ciidanka deegaanka ku sugan yihiin meel magaalada Caad u jirta 15 kiilomitir.

Ma jirto wax gurmada ah oo maamulka Galmudug u fidiyey dadka shacabka ah ee dagaalka kula jira Ururka Alshabaab oo deegaanada Hoostaga Degmada Xarardheere xoog ku haystay muddo ka badan 6 sano. Xiisadda dagaalkan ayaa ka dhalatay markii Alshabaab todobaadkan gudihiisa ay qasheen geel ay lahaayeen dadka deegaanka.

wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com

Tagged