Maxaa ka cusub xaalada deegaanka Caad gobolka Mudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xalaada goobihii shalay lagu dagalamay ee deegaanka Caad degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa dagan, waxaana gacanta ku haya ururka Alshabaab, Ciidamada deegaanka ayaa dib uga gurtay halkaas, Waxaana Alshabaab xalay gubeen tuulo lagu magacaabo DHAABBE oo u dhow Caad.

Sidoo kale Alshabaab ayaa wadada u dhaxeysa Caad iyo Camaara u galay 2 gaari oo siday dad ka soo qaxay goobaha dagaalku saameeyey, waxaana Mid ka mid baabuurta ka fakaday, halka gaarigii kale iyo dadkii saarnaa ay gacanta ku dhigeen. inta xaqiijiyey saddex qof ayaa Alshabaab ku dileen weerarkaas. dadkalena way ku dhaawacmeen dhacdadaas.

Dadka deegaanka ayaa Alshabaab dagaal kula jiray 3 sano ee lasoo dhaafay, waxayna ka biyo diideen in ay bixiyaan waxa ay Alshabaab ugu  yeeraan Zakawaad, sidoo kale Alshabaab ayaa dadka deegaanka  ka dalbaday in ay keenaan caruur farabadan, taas oo ay iska diideen shacabka deegaanku.

Ma jirto gurmad maamulka Galmudug u fidiyey deegaankaas, waxaana inta badan dhacda in Madaxda Galmudug idaacadaha ka sheegaan in ay ciidan u dirayaan goobaha Alshabaabku xoogga ku haystaan. taas oo dadka deegaanku u haystaan QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN.

Tagged