Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdigii Qadar oo gaaray Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi ka socda dalka Qadar ayaa goordhow gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Masuuliyiintana ayaa waxaa safarkooda ku wehliya Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Xuseen Iidow, Xildhibaan Ubax Tahliil iyo siyaasiyiin kale. Waxaana wafdigaan kormeer ku tageen dekedda magaalada Hobyo, sidoo kale waxa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin ku sugan halkaas.

Wafidgaan ka socda dalka Qadar ayaa waxaa hogaaminaya Madaxa Dekedaha Dalkaasi, Waxaana ay qiimeyn ku sameyn doonaan dhismaha dekeda Hobyo, Mashruucan ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladda Federaalka, horey waxaa hobyo u kormeeray Madaxda ka socotay dalalka Ciraaq, Shiinaha, iyo Turkiga. mana jirin wax talaabo ah oo ay qaadeen madaxdii horey u booqatay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaaa dekedda Hobyo dhagax dhigay 18 Janaayo 2018, waxa uuna balan qaaday in ay u raadin doonaan maalgashi lagu dhiso dekadda Hobyo.

Sawiro iyo warbixino dheeraad ah goordhow naga filo.