Erdogan oo maanta Booqanaya Khaliijka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta booqasho labo maalmood qaadaneysa ku tegaya Gacanka si uu u xalliyo khilaafka u dhaxeeya Qadar iyo dalalka deriska la ah. Madaxweyne Erdogan ayaa hadal uu jeediyay kahor inta uusan ambabixin ku eedeeyay cadow uusan carrabaabin inay xiisad ka dhex abuurayaan waxa uu ugu yeeray walaalaha gobolka. Bishii […]

Continue Reading

Qaar kamid ah Ergooyinkii Doortay Xildhibaanada Labada Aqal oo bo laabay Ku biirista Ciidamada Dowladda +Sababta

Kadib markii ay kordheen beegsiga lagu haayay Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya iyo Aqalka Sare ee dalka, ayaa qaar ka tirsanaa Ergooyinkii waxa ay ku biireen ciidamada Dowladda Somaliya.     Xubno diiday in aan magacooda shaacino, ayaa sheegay inay garawsadeen ku biirista ciidanka Dowladda Somaliya, maadaama si naba Shabaab aysan u dhaafeyn, sidaasi […]

Continue Reading

Alshabaab oo weerar ka geystay gudaha Kenya

Al Shabaab ayaa weeraray xerada GSU oo ku taalo degaanka Mokowe ee ka tirsan Lamu Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarkaan ayaa ku soo aadaya, saacado kadib markii Madaxweynaha dalka Kenya uu khudbad ololihiisa doorashada uu jeedinaayay ku sheegay in Shabaab ay si adag ula dagaalamayaan ayna duugayaan. Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dalka […]

Continue Reading

SAWIRO;-Caasimadda Eritrea oo lagu daray diwaanka goobaha Taariikhiga ah Ee Dunida

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa Asmara ku dartay diwaanka goobaha astaanta u ah aathaartii hore ee dhaxalka aadanaha ee dunida. Waxaa magaalada wali ku yaalla dhismayaal qaddiimi ah oo uu dhisay Taliyaaniga intii uu gumeysanayay dalkaasi (1889-1941). Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa Asmara ku dartay diwaanka goobaha […]

Continue Reading

Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya oo geeriyooday

Madaxtooyada  dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inuu xalay geeriyooday wasiirkii Arimaha Gudaha iyo amniga dalkaas Joseph Nkaissery, Wasiirka oo shalay ka qeyb galay isku soo bax ka dhacay fagaaraha Uhuro Park, ayaa xalay ku geeriyooday Karen Hospital,kadib markii uu isku sameeyay Baaritaan guud (Check-up). Ilo ku dhow dhow wasiirka Geeriyooday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mr […]

Continue Reading

Sacuudiga Waxaan fashillinay weerar lala damacsanaa masaajid ku yaalla Maka

Wasaarada arrimah gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ku tilmaameen argagixiso qorshaynaysay in ay bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Makka. Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada isku gadaameen kadibna uu is qarxiyay. Dhismaha […]

Continue Reading

Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)

Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo) ————————————————- Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Boqorka Sucuudiga ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu dhaxal suge ugu magaabay wiilka uu dhalay ee lagu magacaabo Maxamed Bin Salmaan oo 32 jir ah, isaga oo xilkii uu hayeyna ka casilay Wiilka uu adeerka u ahaa ee Maxamed Bin Naayif oo ahaa dhaxal […]

Continue Reading

Mareykanka oo ka hadlay Weerarada Burcadbadeeda

Xoghayaha arrimaha difaaca Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in weerarada burcad badeeda ay dib ugu soo noqdeen gacanka cadan iyo biyaha soomaaliya bilihii ugu dambeeyay. Waxa uu sheegay in ugu yaraan lix maraakiibta ganacsiga lagu af dhuubtay ama lagu weeraray waqooyiga  biyaha soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkaan. Xoghayaha ayaa hadalkaan waxa uu ka […]

Continue Reading

SAWIRRADA:-Qarax ay ku dhinteen Saddex ruux oo dumar ah

Qarax ayaa ka dhacay Caasimadda dalka Colombia ee Bogota sida ay xaqiijiyeen ilaha Caafimaadka Qaraxaasi, waxaa ku dhintay Saddex qof oo dumar ah. Qaraxa ayaa ka dhacay goob laga dukaameysto oo ku taalla Bartaha Caasimadda. Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray 11 qof. Enrique Penalosa Duqa Magaalada Bogota ayaa wariyeyaasha u sheegay in Qaraxu […]

Continue Reading

Kenya oo sheegtay in ay qabatay Qaraxyo iyo Raggii watay

Ka dib howlgal ay iska kaashadeen ciidamada sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo qabtay lix nin oo lagu tuhmay in ay weeraro ka geysan rabeen gudaha dalka Kenya. Lixdaan  nin ee la qabtay waxaa ku jiray  labo nin oo  kenyaan  kuwaasi oo qorsheynaayay in ay weeraro xooggan ka geystaan Gudaha Kenya sidaasi waxaa […]

Continue Reading