SAWIRRADA:-Qarax ay ku dhinteen Saddex ruux oo dumar ah

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Qarax ayaa ka dhacay Caasimadda dalka Colombia ee Bogota sida ay xaqiijiyeen ilaha Caafimaadka Qaraxaasi, waxaa ku dhintay Saddex qof oo dumar ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob laga dukaameysto oo ku taalla Bartaha Caasimadda.

Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray 11 qof.

Enrique Penalosa Duqa Magaalada Bogota ayaa wariyeyaasha u sheegay in Qaraxu uu ka dhacay goob aad u mashquul badan uuna ahaa Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Duqa ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Saddexda qof ee dhimatay mid ka mid ah ay kasoo jeedo dalka faranciiska.