Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa goordhow gaari ka dhacay warshada Nacnaca ee degmada wadajir magaalada Muqdisho, goobta qaraxu ka dhacay ayaa ah xero ciidamada xoogga dalka.

Gaari qarxay ayaa nuuciisa lagu sheegay Homey, waxaana la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday darawalkii iyo laba qofood oo rayid ah, sidoo dhaawac ayaa kasoo gaaray dad goobta ka ag dhawaa.

Baabuurkaan ayaa loo badinayaa inuu ahaa ismiidaamin loogu talagalay xarunta ciidan, oo lagu tababaro ciidamada xoogga dalka.

Falalka amni darro ee Magaalada Muqdisho ayaa kordhay sanadkan bilowga ah 2017, wali ma jiraan talaabooyin ay dowladu u qaaday ka hortagga falalkaan gurracan.