Qaar kamid ah Ergooyinkii Doortay Xildhibaanada Labada Aqal oo bo laabay Ku biirista Ciidamada Dowladda +Sababta

Uncategorized Wararka Dibadda

Kadib markii ay kordheen beegsiga lagu haayay Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya iyo Aqalka Sare ee dalka, ayaa qaar ka tirsanaa Ergooyinkii waxa ay ku biireen ciidamada Dowladda Somaliya.

 

 

Xubno diiday in aan magacooda shaacino, ayaa sheegay inay garawsadeen ku biirista ciidanka Dowladda Somaliya, maadaama si naba Shabaab aysan u dhaafeyn, sidaasi awgeedna ay garteen inay ciidanka galaan.

 

Xubin ka tirsanaa Ergadii haddana ah askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay inuu hadda awoodo iska difaacida weerar Shabaab ay ku soo qaadaan, maadaama uu haysto hub.

 

“Markii hore walaac ayaan la joogi waayay oo ah goormee lagu dili doonaa, markii aan fekeray waxaa iisoo baxday in aan ciidanka isaga biiro, maadaama Shabaab aysan i dhaafeyn oo ay idilayaan, dhinackasta aan bartilmaameed uga ahay.” Ayuu yiri nin ka tirsanaa Ergadii doorashadii Somaliya ka dhacday.

 

Al Shabaab ayaa horay ugu hanjabtay inay dilayaan qof kasta oo ku lug lahaa doorashooyinkii lagu soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee dalka.

 

 

Tiro Ergo ah ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho meelo kala duwan , dadka Shabaabka ay dileen waxaa ku jiray Odayaal da’ ah, taasi oo muujinaysa cadowtooyada Ururka Al Shabaab iyo inaysan ka naxeyn falalka dilalka ah ee ay gaysanayaan.

 

Qorshaha ku aadan in Ergadii doorashada ay ku biiraan ciidamada Dowladda, ayaa soo ifabaxay kadib markii amniyaadka Shabaab ay si aad ah u kordhiyeen dilalka Ergooyinkii.