Alshabaab oo Jab Xooggan ku gaaray Dagaalkii Baarsanguuni

Wararka Maanta

Ciidamo farabadan oo ka tirsan urur Alshabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday xerada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Baarsanguuni.

Alshabaab ayaa weerarkan ku bilaabay baabuur qaraxyo ka buuxeen, waxaana intaas kadib bilowday dagaal xooggan oo dhexmaray labada dhinac, ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa u suurtagashay in fashiliyaan gaari nuuca Parado ah oo Qaraxyo ka buuxeen, kaas oo markii dambe ciidanku qarxiyeen.

Dhanka kale ciidamada ayaa helay gurmada diyaaradaha Maraykanka, waxaan diyaaraduhu duqeeyeen ciidamadii Alshabaab ee gurmadka ahaa, diyaaradaha ayaa gantaalo ku dhufatay gaari nuuca xamuulka qaata oo ay saarnaayeen ciidamada Alshabaab, sidoo kale waxay duqeeyeen gawaari Tikniko oo gaaraya ilaa 3 gaari.

Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa sheegay in dagaal Alshabaab looga dilay 77 Askari, iyo dhaawac intaas ka badan, ciidanka Alshabaab oo gaarayey Boqolaal Askari ayaa talagalkoodu ahaa in ay la wareegaan xerada Baarsanguuni, balse waxaa dhabarka ka jabiyey diyaaradaha oo duqeyn la beegsaday ciidamadooda.

Bayaan ka soo baxay caawa Taliska Dhexe AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradaha ay ku dileen 52 Alshabaab ah, waana duqeyntii 6aad ee Diyaaradaha Maraykanku ka fuliyaan Soomaaliya Sanadkan cusub 2019.

Maraykanka ayaa sanadkii hore fuliyey in ka badan 40 duqeymo cirka ah, waxaana ugu khasaare badnaa duqeymo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Xarardheere gobolka Mudug.

Shalay ayey aheyd markii ciidanka Alshabaab ay wadada u galeen kolonyo ciidamo itoobiyaan ah, waxaana ciidanka itoobiya gaaray khasaare badan meel u dhow degmada Buurhakaba gobolka Baay.