Caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar ka socota

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow bilaabatay munaasabada caleema saarka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa maamul goboleedka Hirshabeelle , waxaana madasha caleema saarka ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan,

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka qeyb galaya Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michaeal Keating, Danjiraha Jaamacadda Carabta, Safiirka Shiinaha, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, Madaxda gaartay Jowhar ayaa ku tagay Diyaarad Helicopter oo ka degtay garoonka kubadda cagta ee Xaafada Kulmis, oo aan sidaa uga fogeyn hoolka shirarka ay ka dhaceyso Munaasabada.

Isniintii la soo dhaafay ayay aheyd markii magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Cali Guudlaawe Xuseen.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa gebi ahaanba la hakiyay isu socodka labada gedi ee magaalada, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay waddooyinka magaalada, kuwa ka baxa iyo kuwa soo galaba.

Comments are closed.