C/Kariin Guulleed oo ka hadlay Xarigga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwaynihii hore Galmudug C/kariim Xuseen Guulled oo ka hadlayay Xariga Xalay Ciimadada Dowladdu u gaysteen Siyaasi C/Raxmaan C/Shakuun Warsame ayaa sheegay in falkaasi uu layaab ku noqday Asaga waxuuna ku Tilmaamay Caburin ay Xukuumaddu kula ka cayso Mucaaradka aan Hubaysneyn.

Guulled ayaa Sidoo kale Hadalkiisa ku daray in Hadalkiina Shalay kasoo baxay Xeerilaaliyaha Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ee uu Xildhibaanada kala ah Saabir Nuur Shuuriye iyo Xassan Macalin Maxamuud ku Tilmaamay inay galleen Qiyaano qaran lagana qaado Xassanada in Xaasaasiyada kala dhalatay oo taagan hadana la xiro Shaqsi kamida Mucaaradka ay dhalin karto qalqal Amni

waxuuna yiri Guulled “Waxaa wax lala yaabo ah falka lagula kacay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoygiisii weerar bareer ah ay ku qaadeen ciidamada dowladda, arinkaan oo muuqata caburin iyo in codka mucaaradka xoog iyo qori caaradii lagu aamusuyo laguna maquuniyo.”

“Hadaba ayadoo lala yaabana hadalkii Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka  uu labada xildhibaan ee kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Shuuriye ku eedaynayey  haddana inay tan ku xigto anigu waxay iila muuqata arimo aan laga fiirsan dalkana ku keeni karta qas iyo qalaase siyaasadeed iyo xitaa mid amniba”.

Waxaan dowladda u soo jeedinayaa inay deg deg u soo deyso mudaha una soo celiso sharaftiisii iyo xoroyadiisii, xaaladdana dajiso ayadoi wadahadalo la furaysa mucaaradka ku kacsan.”

Muqdisho waxaa maanta hadal haynta ugu wayni tahay Xarigga Siyaasi C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo sido kale la sheegay Ciidamada NISA ku dhaawaceen weerarkii lagu doonayay in lagu soo xiro Siyaasigaan oo lagu tilmaamo mid kamida raga ugu culus Mucaaradka Dowladda Farmaajo ayaa wararku sheegayaan in Howlgalkii lagu gurigiisa lagu qaaday ku dhinteen afar kamidahaa Ilaaladiisa