SAWIRO: Puntland oo Ciidamo farabadan soo dhoobtay Gaalkacyo iyo Ujeedka…

Wararka Maanta

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Ciidamo farabadan waxa uu geeyey Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,kadib markii maalmihii la soo dhaafay Magaaladaas ay ka dhaceen falal lido ku ah dhinaca Amniga, waxaana hoggaaminaya Taliyaha & Ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Ciidamadaan oo qaarkood wata gaadiidka dagaalka ayaa dad ku sugan Magalada gaalkacyo waxa ay Idaacadda Risaala ee Magalada muqdisho u sheegeen in lagu arkayo gudaha Magalada,isla markaana la dejiyey xerooyin gaar ah oo horay loogu diyaariyey.

Ciidamadaas oo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland ayaa waxaa wararka aan heleyno ay sheegayaan  in laga keenay degaanka Bixin ee gobolka Sool,waxana halkaasi loo geeyey inay fuliyaan howlgallo dhinaca amniga ah maadaama maalmihii la soo dhaafay ay dilal halkaasi ka dhaceen.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ciidamadaas ka tirsan kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ay howlgallo ka bilaabaan Xaafado ka tirsan Waqooyiga Gaalkacyo,howlgalkaas oo uu amray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.